Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Fulinta IGAD

Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Fulinta IGAD

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay agaasimaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Roqneh Gebehu.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo IGAD si loo xoojiyo nabadda iyo amniga gobolka iyadoo wax laga qabanayo caqabadaha muhiimka ah sida la qabsiga cimilada, 

haqab-beelka cuntada iyo horumarinta dhaqaalaha.Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey agaasimaha fulinta ee IGAD guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad wanaaga, 

isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo

isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyaal horumarineed oo heer gobol ah.

Workneh Gebeho ayaa dhankiisa soo bandhigay inta kulanka uu socday istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabadda iyo xaqiijinta horumarka.

Post a Comment

0 Comments