War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo maanta kow ah, maadaama laga sooman yahay waddamada Islaamka oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray
Ugu horreyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay hambalyada munaasabadda bisha Ramadaan.
“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday laba arrin oo muhiim ah, wuxuuna ka dalbaday inay caawiyaan dadka danta yar iyo inay u duceeyaan dalka, si looga gudbo xaaladaha adag.
0 Comments