Waxaa shalay galab la soo gaba-gabeeyey kulan gaar ah oo arrimaha dastuurka

madaxweyne

 Waxaa shalay galab la soo gaba-gabeeyey kulan gaar ah oo arrimaha dastuurka

Waxaa shalay galab la soo gaba-gabeeyey kulan gaar ah oo arrimaha dastuurka ay ka yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif uu hoggaaminayo.


Xogta arrimo la isku afgartay intii uu socday

Xogta arrimo la isku afgartay intii uu socday kulankaas ayey heshay Caasimada Online, dood dheer ayey siyaasiyiinta iyo madaxweynuhu ka yeesheen arrinta muranka dhalisay ee wax ka bedelka dastuurka
Kulankii soo idlaaday galabta waxaa lagu go’aamiyey in dib loo dhigo wax ka bedelka dastuurka, iyadoo la sugayo Puntland oo ka maqneed miiskii wada-hadalka, intii lagu mashquulsanaa arrimaha dastuurka.


Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo jeediyey


Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo jeediyey in la sugo Puntland oo hadda ku jirta doorasho, si ay talo ugu yeelato arrimaha wax ka bedelka dastuurka, madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Puntland ayaa diiday inuu ka qeyb galo kulamadii looga hadlayey dastuurka.


Post a Comment

0 Comments