Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay

gudoomiyaha

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka iyo dhammaan xubnaha guddiga joogtada ah.


Guddoomiyeyaasha guddiyada ayaa waxay soo bandhigeen warbixino


Guddoomiyeyaasha guddiyada ayaa waxay soo bandhigeen warbixino ku aadan shaqada guddiyada iyo hindise sharciyeed-yada ay diyaariyeen una baahan in la horkeeno Golaha si loo marsiiyo dariiqa loogu talagalay.


Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ayaa aad uga dooday 


Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ayaa aad uga dooday ajandeyaal muhiim u ah fadhiga Golaha Shacabka.Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiyada Golaha Shacabka ay hayaan shaqooyin muhiim u ah qaranka, islamarkaana laga rabo in ay laba jibaaraan howlaha horyaala, isagoo faray shuruucda ay gacanta ku hayaan inay soo dhameystiraan.

Post a Comment

0 Comments