Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu mahad celiyay dalalkii taageeray go’aankii taariikhiga ahaa
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu mahad celiyay dalalkii taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka qaatay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, kaasoo soo jiray in ka badan 32 sano.
Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad loo qabtay guushan taariikhiga ah, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul
Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyay
Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad loo qabtay guushan taariikhiga ah, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin Soomaali iyo Ajaanib isugu jiray, isagoo ku bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen halgankii dheeraa ee ay u soo galeen sidii loo gaari lahaa yoolkan muhiimka ah.
Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda weyn
Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda weyn ee go’aankan uu u leeyahay in Soomaaliya laga xoreeyo argagixisada, wuxuuna soo hadal qaaday qorshaha dowladda ee ah in si mas’uuliyad ku jirto loo maareeyo hubka.
"Guushaan waxay cadeyn u tahay dadaalka wadajirka ah ee shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka,"
0 Comments