In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa fiidnimadii xalay diyaariyay mooshin
In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa fiidnimadii xalay diyaariyay mooshin ka dhan ah maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland.Warar lagu kalsoon yahay, oo aan ka xaqiijinay dhinacyo kala duwan, ayaa sheegaya in mooshinka loo gudbinayo fadhi deg deg ah oo ay maanta yeelanayan Baarlamanka.
Tallaabadan ayaa imaanaysa saacado kooban kadib markii maxkamadda dastuuriga
Tallaabadan ayaa imaanaysa saacado kooban kadib markii maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland laashay mudda kororsigii uu samaystay baarlamanka.Dowladda Puntland ayaa Sabtidii maxkamadda u gudbisay qoraal ay kaga dalbanayso in ay go’aan ka soo saarto arrinta baarlamanka uu ku dhaqaaqay.
Shan garyaqaan oo ku saxiixan go’aanka maxkamadda
Shan garyaqaan oo ku saxiixan go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in dacwadaan uu u soo gudbiyey garyaqaanka guud ee dowlad goboleedka Puntland.“Go’aankaas wuxuu xambaarsanaa muddo kordhin ay baarlamaanka Puntland ku sameysteen muddo kororsi hal sano ah, garyaqaanka ayaa cuskaday dastuurka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maxkamadda.
0 Comments