MADAXWEYANAHA SOMAALIYA MUDANE XASAN SHEEKH OO KADAGAY ASMARA.

xasan sheekh

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fiidnimadii shalay oo Axad ahayd gaaray magaalada Asmara, waana booqashadii afaraad oo rasmi ah tan iyo sannadkii hore.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara waxa ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Madaxweyne Isaias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale.
War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxda

Soomaaliya iyo Ereteriya ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal marka laga soo tago horumarka gobolka iyo arrimaha danta guud.

Waxaa xusid mudan in Eritrea ay tababartay kumannaan ciidamo Soomaali ah oo ku biiray howlgallada milateri ee ka socda gobollada kala duwan ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Post a Comment

0 Comments