CC Shakuur oo sheegay in saddex arrin aan marnaba looga haybaysan doonin DF
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku socda dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Cabdiraxmaan Shakuur ayaa shaaca ka qaaday
Cabdiraxmaan Shakuur ayaa shaaca ka qaaday in marnaba dawlada hadda jirta aan la yeeli doonin wixii lagu diiday dowladdii hore oo uu majaraha u hayay Maxamed Farmaajo.Xildhibaanka ayaa soo bandhigay saddex qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo uu tilmaamay haddii ay ku kacdo dowladda dhexe aan looga haybaysan doonin, sida uu hadalka u dhigay.
“Saddex mabda’ siyaasadeed oo aan ku diidnay Rajiimkii
“Saddex mabda’ siyaasadeed oo aan ku diidnay Rajiimkii kan hadda jira ka horeeyey waa kuwo sugan oo aan cidna looga haybaysanin.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sidoo kale waxaa uu qaada dhigay waxa ay yihiin saddexda qodob ee lagu diiday Farmaajo, isla-markaana uu hadda uga digayo madaxweyne Xasan Sheekh
0 Comments