Xamza Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray Shirka Madasha Istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirada
Ra’iisul Wasaare Xamzah ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay awood iyo caqli u leeyihiin sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha soo noq-noqda ee dhanka amniga, faqriga, musuq-maasuqa, waa haddii ay ku taagnaadaan wadada saxda ah ee loo marayo dowladnimada casriga ah.Ra’iisul Wasaare Barre
Ra’iisul Wasaare Barre oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wadada loo maro is bedel dowladeed oo xooggan ay u baahan tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo dadaallada lagu xaqiijinayo in shacabka Soomaaliyeed ay ka mira dhaliyaan dadaalkooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar daarmay xubnaha
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar daarmay xubnaha Xukuumaddiisa inay ka faa’ideystaan aqoontooda iyo khibraddooda si loo horumariyo xaaladda shacabkooda, isla markaana ay xoojiyaan ballanqaadyadooda ku aaddan dowlad wanaagga, hufnaanta iyo isla xisaabtanka.
0 Comments