R/W Xamza oo si weyn loogu soo dhaweeyay Minneapolis

xamza

 Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumanaan kun oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa munaasabad ballaaran oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, hadal uu ka jeediyay waxa uu kaga warramay xaaladda guud ee dalka.
Mudane Xamza ayaa si gaar u dul istaagay horumarka ay dowladdu ku tallaabsatay ee dhinacyadda amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Khawaarijta Al-Shabaab, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa, isaga oo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo cadowga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada New York oo uga qeyb-galay kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay.
Mudane Xamza ayaa intii uu ku sugnaa New York la kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta.

Post a Comment

0 Comments