Nin ay Al-Shabaab usoo dirsatay qorshe halis ah oo lagu qabtay Xarardheere

xaradheere

 Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay nin ay Al-Shabaab usoo dirsatay qorshe halis ah, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Maxamuud Barre, kana tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa loo soo diray inuu sahmiyo wadooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ayaa markasta fashiliya isku-dayada argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.
Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug, oo ay sanado badan ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab oo sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay laga xoreeyey dhowr deegaan ayaa hada gobolka Mudug uga haray deegaano aad u yar, waxaana laga cabsi qabay inay soo qaadaan weerarro rogaal celis ah.
Balse maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa kooxda aad loogu beegsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen weerarro u qorsheysnaa, waxaana laga laayey dagaal-yahano aad u badan.

Post a Comment

0 Comments