Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay xoreysay 45 boqolkiiba dhulkii gacanta ugu jiray maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo ka dhigan inay harsan tahay 55 boqolkiiba.
Xamza ayaa hadalkan ka sheegay shirka Golaha Guud ee QM ee magaalada New York, oo uu khudbad ka jeediyey.Xamza ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka QM “inuu si buuxda oo shuruud la’aan ah cunaqabtaynta hubka uga qaado Soomaaliya,” taasi oo saarneyd tan iyo 1992-kii.
Qaadista cunaqabateyntan waxay noo ogolaanaysaa inaan si wax ku ool ah ula dagaalanno argagixisada oo aan dadkeena u dhisno mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri.
Xamza waxa uu sheegay in dalkiisu uu “gacan bir ah kula tacaalay xag-jirnimada,” isagoo adeegsanaya “olole guul leh” oo ka kooban tallaabooyin militari, dhaqaale iyo fikir.Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay maanta leedahay “nidaamyada maamul ee lagama maarmaanka ah oo ku adag xakameynta haysashada, adeegsiga iyo kaydinta hubka.”
0 Comments