Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha xfs Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa looga hadlay amniga dalka

 

Shirka golaha wasiiradda

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse.


Shirka ayaana looga hadlay amniga dalka, iyadoo lagu ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta iyo qorshaynta ee (WFDP) oo laga hirgelinayo Soomaaliya.


Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay guulihii ay ciidamada qaranka ka gaareen xasillinta iyo xoreynta goobaha ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

Post a Comment

0 Comments