Madaxda dalalka IGAD ayaa shirkoodii afar iyo tobnaad oo ay ku yeesheen magaalada Jabuuti waxa ay ku bogaadiyeen dadaallada ay dowladda Soomaaliya ka waddo dagaalka ay kula jirto argagixisada Al-Shabaab.
Madaxwayne Xasan ayaa ugu baaqay inay kala shaqeeyaan madaxda ka qeyb galeysa shir madaxeedka IGAD in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, taasoo caqabad ku ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Waxa ay dalbadeen in dib u habeyn lagu sameeyo hanaanka maamul ee IGAD, iyadoo sanad walba la sinnaado madaxtinimo mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah ururka, waase haddii ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka uu yahay Soomaali, ay soo magacawday dowladda federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay ansixiyeen. Muddo 4 sano ah ayaa loo kordhiyay Xoghayaha Guud ee hadda xilka haya, Workneh Gebeyehu.
Madaxdu waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku siiso dowladda federaalka Soomaaliya si loo meel mariyo go’aamadii ka soo baxay golaha wadatashiga qaranka Soomaaliyeed.
Urur goboleedka IGAD ayaa ku booriyay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood inay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiyaan dagaalka, isla markaana ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda.
0 Comments