Chelsea Oo Heshay Bedelka Kante Kuna Garaacaysa Saxiixisa Kooxo Badan

Caicedo


Waxaa Meel Fiican Maraya Wadahadallada u dhexeeya Chelsea  iyo Brighton Ee Ku Aadan Dahabiga Khadka Dhexe Ee Moisés Caicedo.


Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxaana la aaminsan yahay in kooxda Chelsea ay gacanta ku dhigayso Caicedo oo ay doonayso

inay ka dhigto bedelka N`golo Kante kaasi oo kooxda ka baxay.


Moises Caicedo ayaa waxaa raadinayay bilihii ugu dambeeyay oo dhan kooxo badan oo Premier League ka dhisan oo ay ugu horeyso

Kooxda Arsenal, balse waxay haatan u muuqata in Chelsea ay ku garaaci doonto.


Manchester United ayaa qudheeda ka mid ah kooxaha sida aadka ah u doonaya Caicedo laakin ma xooggana.


Sikastaba wadahadalada u dhexeeya Chelsea iyo Brighton ayaa bilaaban doonta bilowga usbuuca soo socda,


iyadoo wada hadalka ku saabsan shuruudaha shaqsiyeed uu yahay mid aad u horumarsan,


oo ku dhow in la isku raaco sida shalay shaaca laga qaaday.

Post a Comment

0 Comments