Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Safiirka Imaaraadka kala hadlaya xoojinta iskaashiga labada dal

Soomaaliya iyo imaaraadka


Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Faqi ayaa la kulmay Safiirka  Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi.


War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu kala hadlay Safiirka xiriirka labada dal ee walaalaha ah, xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa iyo arrimo dhowr ah oo muhiim ah.


Waxaa xusid mudan in dowladda Imaaraadka Carabta ay dowladda Soomaaliya ka taageerto dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka argagixisada, arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta.

Post a Comment

0 Comments