Dowladda Soomaaliya oo gargaar u dirtay magaalada Laascaanood

Gargaar loo diray Laascaanood


Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliya ee SODMA ayaa diyaarad sida shixnad gargaar oo daawo ah u dirtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay ka socdaan tan iyo bishii labaad dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland  iyo kuwa huwanta.


Diyaaradaan ayaa gargaarka daawada ah ka dajin doonta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana halkaasi kasii qaadaya gaadiid geyn doona Isbitaalka magaalada Laascaanood.


Gargaarkaan daawada ah ee Muqdisho ka dirtay hay'adda maareeynta Masiibooyinka Qaranka ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee daawada, taasoo loogu talo galay in lagu dabiibo dadka waxyeelada kasoo gaartay dagaalada ka socda Laascaanood.


Masuliyiin ay ka tirsan Hay'adda Mareeynta musiiboyinka Qaranka Soomaaliya ayaa diyaaradaan ka sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.


Gargaarkaan daawada ah ee loo diray Isbitaalka Laascaanood ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo Muqdisho horay loo geeyay dad shacab ah oo kusoo dhaawacmay dagaalka Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Post a Comment

0 Comments