Ergayga Gaarka ah ee arrimaha Somaliland oo kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug

 

Ergayga arimaha somaliland

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha   JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan horudhac u ah Qorshaha Talo Wagaada Madaxda iyo Bulshada Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS la qaatay Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Mudane  Ahmed Abdi Kaarie  (Qoor-Qoor),


 kaas oo ay isla qaadaadhigeyn Socdaal uu dhawaan Ergayga ku tagi doono deegaanada DOWLADD GOBOLEEDKASI, si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Masuulliyiinta iyo Shacabka Maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.


Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa soo dhaweeyay dedaalada Xafiiska Ergayga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, Ergayga ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshahiisa.

Post a Comment

0 Comments