Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Maxamed Shiico Al-Sudani, iyadoo isku arkay kulanka caadiga ah ee 32-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta uu ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.
Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda, iyagoo sidoo kale caddeeyay inay ka go’an tahay inay si dhow isaga kaashadaan la dagaallanka argagixisada caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dowladda Ciraaq ay ka tanaasusho 67% deymihii lagu lahaa Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale sheegay in ay isku afgarteen in dib loo soo nooleeyo heshiisyadii ay horay u wada galeen dowladooda.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha ay dowladda Ciraaq ka gaartay la-dagaalanka argagaxisada, isagoo ka codsaday inay Soomaaliya la wadaagto khibraddeeda qiimaha leh ee ku aaddan la-dagaalanka argagaxisada.
0 Comments