Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar

 

Raisal wasaare Hamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar,


oo uu kaga qaybgalayo shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.


Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Post a Comment

0 Comments