Aurelien Tchouameni Oo Go’aan Ka Gaadhay Xiisaha Ay Liverpool U Qabto Saxiixiisa.

  

Tchouameni

Aurelien Tchouameni ayaa doonaya inuu sii joogo Real Madrid oo uu u dagaalamo booskiisa inkastoo uu xiiso cusub ka helay kooxda Liverpool sida laga soo xigtay Relevo.


Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa damacsan inuu u tartamo booska koowaad ee Los Blancos xitaa haddii Jude Bellingham kooxda ku soo biiro.


Bilowgii todobaadkan sida laga soo xigtay The Telegraph, Liverpool  ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisaha xiddiga khadka dhexe ee reer France.


Tchouameni ayaa ku biiray Madrid bishii June ee sanadkii hore, isagoo Los Blancos ka doortay Reds oo xilligaas aad u xiisaynayay inay keento Anfield.


Xiddiga khadka dhexe ee Aurelien ayaa saftay 44 kulan Madrid ilaa haatan xilli ciyaareedkan; 30 ka mid ah ayuu ku bilowday shaxda Real Madrid.

Post a Comment

0 Comments