Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga kaga qeyb galaya shirka sanadlaha ah ee Wasiirada Maaliyadda Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.
Dr. Cilmi ayaa khudbad uu kulanka ka jeediyay wuxuu kaga hadli doonaa qorshaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, hannaanka deyn cafinta, horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta ilaha dhaqaalaha iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Soomaaliya ayaa wajaheysa shuruudo gaar ah oo lagu xiray hannaanka deyn cafinta muddada fog, waxaana qaar ka mid ah shuruudahaasi laga gudbay halka kuwa kalena ay ku guda jiraan howlo shaqo.
Shirka sanadlaha ah ee wasiirrada maaliyadda ee dalalka xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin, arrimaha maaliyadda, horumarinta mashaariicda, is dhaafsiga khibradaha, maaraynta hannaanka siyaasadda dhaqaalaha iyo sidii daraasad cilmiyeed loogu samayn lahaa tayada horumarinta dhaqaalaha ee xubinta ururka OIC. gobolada.
0 Comments