Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay Dalka Masar

  

Raisal wasaare Xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, isaga oo u sii jeeda Dalka Masar .


Safarka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Saraakiil ka tirsan Xafiiskiisa.


U jeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay booqasho rasmi ah taas oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah, iyada oo la filayo in uu kulamo kala duwan la yeesho qaar ka mid ah Madaxda dalkaas.


Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal, waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar, isaga oo kulan la yeelan doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Qaahira.


DowladdaMasar ayaa ka mid ah dowladaha xiriirka dhow la leh Soomaaliya, kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageero ku aadan dhinaca bani’aadanimada.

Post a Comment

0 Comments