Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku joogo magaalada Qaahira ee dalka Masar, oo maalintii Axadda ka bilaabatay, isagoo tilmaamay in Masar ay door muhiim ah ka ciyaarto taageerada Soomaaliya dhinacyada oo dhan.
Abuu Bakar ayaa sheegay in socdaalkan uu ku yimid qaabkii ay madaxda Masar iyo Soomaaliya ugu hadli lahaayeen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee dhinac walba ah iyadoo la eegayo hiigsiga uu wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. si loo xoojiyo iskaashiga, isagoo xusay in Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya lagu wado inuu kulan la qaato inta uu booqashada ku joogo - wada hadal uu la yeesho Ra'iisul Wasaare Mostafa Madbouly oo ay ka wadahadli doonaan sidii loo kordhin lahaa xawliga iskaashiga labada dhinac.
Booqashadan ayaa sida uu sheegay Danjire Ilyaas waxaa lagu wadaa in labada dal ee walaalaha ah ay ku kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah oo dhinacyo badan taabanaya, gaar ahaan dhinaca badda, taasoo qayb ka qaadanaysa sidii looga faa'iidaysan lahaa khayraadka.
Safiirka Soomaaliya ayaa bogaadiyay xiriirka Masar iyo Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in uu yahay xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah oo ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya.
0 Comments