Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland C/qaadir Xaaji Maxamuud ayaa gaarsiiyay deeq raashin ah oo ay ugu deeqday dowladda Imaaraadka Carabta dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaanada maamulkaasi.
Deeq Raashin ah ayaa la gaarsiiyay 2,000 oo qoys oo ka soo barakacay abaarta, kuwaasi oo ku nool deegaanada “Bulu-guduud” “Cuuntoy” iyo “Gobin”.
Xaaji Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Imaaraadka kaalmada ay u fidiyeen dadka danyarta ah ee ku xoolo beelay abaarihii dalka ku dhuftay.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in dhawaan gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah la gaarsiin doono qoysaska ay abaaruhu saameeyeen.
0 Comments