Xasan Sheekh iyo Museveni oo wadahadallo ku yeeshay Kampala

  

Xasan sheekh iyo Museveni

Madaxweynaha Soomaaliya  Xassan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Uganda ayaa dhiggiisa dalkaas Yoweri Museveni kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.


War ka soo baxay Maaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxwayne Xasan uu dhiggiisa Museveni la wadaagay halganka wadajirka ah ee ay wadaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya si ay isaga dulqaadaan Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.


Museveni ayaa dhankiisa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka Al-Shabaaab, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ku leh howl-galka ATMIS ee Soomaaliya.


MW Xasan ayaa markii labaad booqasho ku tagay Uganda tan iyo dib u doorashadiisii, wuxuuna Kampala kaga qeyb galay xuska 60-guurada xornimada dalkaas, isagoo xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay taageeradii halgankii xornimo doonka Uganda.


“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen maalintii shalay”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.


Soomaaliya waxaa ku sugan dhowr kun oo askari oo ka socda Dowladda Uganda kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, halka ay Uganda ka mid tahay dalalka Afrika ee ay aadka u deggan yihiin ama wax ugu bartaan dadka Soomaaliyeed.


Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore degaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ku xasuuqay ku dhawaad 10 ruux oo beereley ah oo aan waxba galabsan, halka dhowr mar oo kale ay xad-gudubyo kula kaceen shacabka.


Post a Comment

0 Comments