Qorshaha Soomaaliya ee ka hortagga xaalufinta

  

Madaxwayne Xasan sheekh

  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu hor istaagi doonto xaalufinta iyo nabaad guurka degaanka, isagoo khudbad ka jeediyey shirka degaanka iyo isbaddalka cimmilada ee Jabuuti.


 Madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee ku aaddan ka hortagga xaalufinta wuxuuna si weyn u dul istaagay saamaynta baaxadda leh ee isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka, gaar ahaan Soomaaliya oo abaaro daran wajahaya.


“Soomaaliya waxa ay ku jirtaa xaalad abaareed kaddib markii afar xilli roobaad oo isku xiga ay baaqdeen sababo la xiriira isbeddelka cimilada, waxaan xoogga saaraynaa wax ka qabashada xaalufinta deegaanka oo sal u ah mushkiladda dunida oo dhan”, ayuu yiri.


Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada gobolku ay yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha ka dhasha cimilada isbadalaysa, toosoo ah khatar xooggan oo hadda uu wajahayo geeska Afrika.


Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan daahfurtay, Hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaar ah, kaasi oo mudnaan gaar ah siinaya daryeelka dhirta, dib u cagaarinta dalka iyo kobcinta wacyiga dadweynaha, iyadoo 200,000 oo geed la beeri doono labo bil gudahood.


Sida ay sheegatay Qaramada Midoobay, ku dhawaad 30 milyan oo ruux ayay soo food saartay cunto yari, marka la eego kaliya dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, taasoo muujineysa saameynta ay cimilada isbaddalaysa ku yeelatay bariga Afrika.


Sida ay sheegayaan khubarada degaanka, nabaad-guurka lagu sameeyay degaanka oo ah in dhirta Soomaaliya laga dhigo dhuxul si sharci darro ah loogu dhoofiyo qaar ka mid ah dalalka dibadda, ayaa sababtay in cimiladu si daran u saameyso Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments