Koofiyadda Filibiin iyo qaabab kale oo cajiib ah oo ay dalalku uga hortagaan qishka imtixaannada

Imtixaan


Sawirrada ardayda xiran waxa loogu yeeray "Koofiyadaha ka hortagga qishka" xilliyada ay ku jiraan imtixaannada jaamacadda  ayaa aad ugu baahay baraha bulshada ee Filibiin, taasoo dhalisay hadal-hayn badan.


Ardayda mid ka mid ah machadyada magaalada Legazpi ayaa loo sheegay inay xirtaan koofiyado looga hortagayo inay eegaan waraaqaha imtixaanka ee ardayda kale.


Qaar badan oo ka tirsan ardaydaas ayaa uga jawaabay inay xirtaan koofiyado macmal oo ay xaafadaha ku soo sameysteen, kuwaas oo iyagana hadal-hayn dhaliyay.


Macallimadooda ayaa BBC-da u sheegtay in markii ay tallaabadan qaadayeen ay ka fekereen inay la yimaadaan "hab madadaallo leh”, haddana xaqiijinaya in ardayda aysan qishin imtixaanka.


Mary Joy Mandane-Ortiz, oo ah barafasoor ku takhasusay farsamada gacanta oo la shaqeeya Kulliyadda Injineerinka ee Jaamacadda Bicol, ayaa sheegtay in fikraddu ay "runtii wax-ku-ool ahayd".


Internet-ka oo la xiro


Waxaa jira dalalka qaar oo internet-ka damiya marka la qaadayo imtixaanaadka. Dalalkaas waxaa ka mid ah Algeria oo maalmihii imtixaanka ee 20-kii ilaa 25-kii bishii Juun xiray internet-ka, si uu uga hortago in ardayda dalkaas oo markaas qaadanayay imtixaanka dugsiga sare ay qish sameeyaan.


Tallaabadan ayaa timid kaddib markii si weyn loo baahiyay su'aalaha imtixaannada ee Algeria sanadkii 2016, markaasoo nus milyan arday ah uu dalkaas u dhashay ay ku qasbanaadeen inay dib u galaan imtixaannada.


Su’aalaha la isweydaarsaday intii lagu guda jiray imtixaanaadka iyo ka horba, waxaa ka dhashay qish ay sameeyeen arday aad u badan.


Dalalka kale ee iyaguna qaaday taallabada Algeria mid la mid ah si uga hortagaan qishka imtixaanaadka waxaa ka mid ah: Itoobiya, Ciraaq, iyo Uzbekistan.


Kenya


Kenya, wasaaradda waxbarashada ayaa boolis geysay xarumaha imtixaanaadka inta lagu jiro imtixaanaadka qaran ee dugsiga hoose iyo sare ee Kenya. Ugu yaraan labo askari ayaa la geeyaa xarun kasta oo imtixaan lagu sameynayo laakiin, xarumaha qaar ee ay ardayda 200 kor u dhaafayaan waxaa la kordhiyaa tirada booliska ee xarumahaas.


Inkastoo dalalkan ay isku dayeen inay ka hortagaan qishka imtixaanaadka, haddana weli way adag tahay in si buuxda ay u xakameeyaan qishka.


Tusaale ahaan Kenya iyadoo boolis geysa xarumaha, haddana weli waxa ay ardaydu isticmaashaa aaladaha internetka sida WhatsApp oo ay su’aalaha ku wadaagayaan. Sanadkii 2021, Kenya waxaa shaqada laga eryay 27 macallin oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen qish imtixaan, sida ay qortay warbaahinta gudaha.

Post a Comment

0 Comments