Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku dhawaaqay inay ogolaadeen oo ay taageerayaan heshiiska ay dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay shirkado shidaal oo caalami ah.
Dawladdu waxay ka laabatay go’aankeedii, kaas oo ka soo horjeeday heshiisyadii ay dawladda federaalku la gashay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka, iyo sharciga wadaagga kheyraadka dabiiciga ah ee uu baarlamaanka federaalku ansixiyay 2020-ka.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni oo maanta ka hadlay furitaanka kalfadhiga 51-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa sheegay in Puntland ay soo dhoweyneyso ka faa’ideysiga kheyraadka Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada kheyraadkaasi.
Puntland ayaa horay uga digtay dhaq-dhaqaaqyada la xiriira heshiiska shidaal baarista Soomaaliya ee ay waddo dowladda Federaalka iyo ku dhaqanka sharciga batroolka ee baarlamaanka Federaalka uu ansixiyay 2020 oo ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay ogolaatay heshiiska shirkadda baarista shidaalka ee xeebaha, kadib markii ay dib u eegis ku sameysay heshiiskii ay la gashay shirkadda.
Warkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud uu Madaxtooyada ku qaabilay Madax sare oo ka tirsan Shirkadaasi.
War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in shan qodob oo wax ka bedel lagu sameeyay heshiiskii la saxiixay February 2022, sidoo kale Maxamuud Mashruuc, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa sheegay in wax ka bedelka lagu sameeyay talo sharci oo khubaro ka timi.
0 Comments