Taasi waxa ay faraysaa cid kasta oo mas’uul ka noqota ummaddeeda in ay himillada koobaad ka dhigato dhiska aqoonta dadkeeda, si tartanka loogu guuleysto, himilooyinka Qaran ee fog-fogna loo sugo. Haddii kale oo ciddii xilka loo egmaday taa dhayalsato oo hareer dhaafto, waxa hubaal ah in ummaddaasi ku dambeynayso hoog iyo Dhibaato is daba joog ah.
Waxa run ah oo aan la diidi karin, in marba heerka waxbarasho ee bulshadu
leedahay, in mustaqbalkeeda iyo horumarkeedu ku xidhan yahay. Tanina waxa ay
waajib inagaga dhigaysaa in aynu ahmiyad weyn saaro waxbarashada dadka si aynu
u gaadhno himilooyinka aynu leenahay.
Waxbarashadu waa nidaam barbaarineed oo u habaysan si ay u hagto bulshada. Waxa
ay jihaysaa aayaha waddan iyo dadka ku nool, waana hagaha ummadda oo la’aanteed
aanay jiri karin nadaam, hormar iyo kaladambayn toona.
Ma jiro Dhaqaale kobcayaa oo hore u marayaa haddii aan aqoon
lagu qorshayn oo lagu maamulayn. Ma jirto bulsho is beddel iyo horumar gaadhaa;
haddii aqooni maqantahay. Mana jirto bulsho hab nololeedkeeda sare u qaadi
kartaa; haddii aanay aqoonta dadkeeda adeegsan.
Noociyada Wax-barashada ee ummadi u qorshayso dadkeeda, waa in ay noqotaa mid laga rabo in ay ka jawaabto marba baahida iyo mushkiladaha/dhibaatooyinka waddanka haysta.
Waa in wax-barashadu ahaataa mid lagu sar gooyey dhaqanka iyo diinta aasaaska u ah bulshada, hab nololeedka, habka wax-soo-saarkeeda iyo bii’adda dalka.
Wax-barashada ummadi dadkeeda iyo
dalkeeda u qorshaysaa, waa in aanay noqon mid ummad kale u qorshaysay dadkeeda
iyo baahida iyo dhibaatada u gaarka ah. Waa in wax-barashada heer kastaba lagu
sar gooyaa baahida iyo dhibaatooyinka dalka iyo dadka u gaarka ah.
0 Comments