Awoodda doonistu waa waxa kaa celinaya waxyaabaha laablakaca ah ee yaryarka ah, si aan lagaaga duufsan yoolashaada wakhtiga fog. Si kale haddaan u iraahdo, waa dabarka kaa celinaya waxyaabaha maalaayacniga ah ama dhaldhalaalka ah, si aysan kaaga hodin hadafkaaga wayn ee wakhtiga dheer.
Af ingiriiska waxaad ku arkaysaa erayo badan oo isla mafhuumkaan (the same concept) loo la jeedo. Waxaa kamid ah; drive, determination, self-discipline, self-control, self-regulation, effortful control. Sidaas oo kale af Soomaaligana siyaabo kala duwan ayaa loo tilmaamaa sida marka la leeyahay; naftaada ka adkow, dantaada garo, iwm.
Awoodda doonista si cilmiyeysan marka loo eego, qeexitaannada aqoonyahannada kasmonafeeddu waxay iskugu soo biyo shubanayaan intii aan kor ku soo sheegnay. Balse innagu waxaan soo qaadanaynaa moodeelka ay samaysay Kelly McGonigal oo ah aqoonyahanad cilmi nafsiga caafimaadka ka dhigta jaamacadda Istaanfoodh (Stanford University) ee carriga Maraykanka. Kelly waxay ku qeexdaa awoodda doonista (willpower): "The ability to do what you really want to do when part of you really doesn't want to do it" oo micnaheedu yahay: awoodda aad ku samayso waxa aad doonayso iyada oo qayb kaa mid ah ay diidan tahay.
Kelly waxay awoodda doonista (willpower) u qaybisay saddex: awoodda diidmada (I won't power); awoodda ku dhaqaaqidda (I will power); iyo awoodda rabitaanka (I want power). Qayb kasta si gaar ah baan u dul istaagaynaa.
1. Awoodda diidmada (I won't power):
Qaybtaan waa qaybta ugu adag uguna muhiimsan awoodda doonista (willpower). Waa in aad MAYA oran karto marka aad la kulanto waxyaabo laablakac ah oo ay naftaadu macaansanayso (short term temptations) balse kaa duufsanaya ama fashilin doona yoolashaadii wakhtiga dheer (long term goals). Yoolasha wakhtiga dheer waa uun yoolal gaagaaban oo isku tagay, mar kasta oo aad ku fashilanto kuwa gaagaaban waa mar kasta oo ay sii fogaato gaaritaanka yoolashaada wakhtiga dheer.
Qofka awooddaan leh waa qofka dantii garadka ah ee uruursan, ee aan cidna marsiin karin wax aan u qorshaysnayn ama waxyeelaya hadafkiisa. Balse qofka aan awooddaan lahayn waa qofka deegaanka u nugul ee si fudud qorshihiisu u fashilmi karo. Tusaale ahaan isaga oo hal garan ah doonayay in uu carwada ka soo iibsado, ayuu ku ilxaaxayaa, oo uu soo iibsanayaa cooshad dhar ah. Meel kasta sidaas oo kale ayuu ku yahay oo qorshihii u dagsanaa ayaa si fudud u kala daadanaya, markuu la kulmo wax uu xiisaynayo balse aan qorshihiisa dani ugu jirin.
2. Awoodda ku dhaqaaqidda (I will power):
Awoodda diidmadu waxay ahayd nooc difaac ah, balse awoodda ku dhaqaaqiddu waa weerar. Tani waa awoood ah in qofku waxa uu doonayo uu ku dhiirrado, u dhaqaaqo oo uusan waxba dib dhigan. Waa awoodda qofka u diidda caajiska iyo dibdhigashada. Qofka aan awooddaan lahayn niyadda oo kaliya ayuu ka nool yahay laakiin tillaabo horey uma qaadi karo. Hadafkiisa ayuu iska weheshadaa iyo adduunkiisa niyadda aan soo dhaafin (ideal world). Balse qofka awooddaan leh waa qof firfircoon oo hawl kasta oo u taala aan dib dhigan. Waa dadka la yiraahdo xoog faniinka. Haddii ay labada awooddood ee kale ay ku darsadaan lama gaari karo.
3. Awoodda rabitaanka (I want power):
Awooddaan waxay u sii qaybsantaa labo; mar waa awoodda keenta in aad marka horeba hadaf yeelato oo aad wax doonto; mar kalana waa awoodda keenta in ay kugu sii hayso rabitaanka hadafkaas. Waa awood shidaal ah oo micno u yeelaysa waxa aad qabanayso. Qofka aan awooddaan lahayn hadafba ma yeesho inta aan la isla gaarinba wax kale, ama ugu yaraan marmar buu hadaf ku riyoodaa balse ma sii yeesho rabitaanka hadafkaas; halka qofka awooddaan leh uu macaansado rabitaanka hadafkiisa, oo uu sii sawirto haddii uu gaari lahaa hadafkiisa jawiga uu gali lahaa.
Haddaba saddexdaas qaybood ayay ka kooban tahay awoodda doonistu (willpower). Qofka saddexdaba ka dhisan waxaa la oran karaa waa qof awooddiisa doonistu xooggan tahay. Balse qofka qayb kamid ah ama saddexdaba ku liita waa qof awooddiisa doonistu ay daciif tahay. Waa mushkilad wayn oo ay tahay in aad ku baraarugto haddii awooddaada doonistu ay liidato. Adiga oo awooddaada doonistu ay daciif tahay, sida aad hadaf ku xaqiijiso inta uu doono ha le'ekaadee way adag tahay. Waxaa la yiraahdaa qofka awooddiisa doonistu ay xooggan tahay waa ka farxad badan yahay, ka caafimaad badan yahay, ka qanaaco badan yahay, ka tabac badan yahay qofka awooddiisa doonistu ay liidato
Sideeda ahaanba qofka awooddiisa doonistu ay liidato waxa uu dhibbane u yahay isla maskaxdiisa. Cid kale yuusan eersan. Maskaxdaada ayaa waxa ku borograamsan habdhaqanno dib kuu dhigaya. Taas ayaa keenaysa in ay kugu dhex legdamaan labo qof oo iska soo horjeeda. Adigii fiicnaa ee hadafka lahaa iyo adigii ismalluraha ahaa ayaa legdamaya. Mar kastana waxaa kaa adkaada ismallurihii caajislawga ahaa. Maxaa ugu wacan in mar kasta qaybtaadii fiicnayd laga adkaato, oo ay kontoroolka la wareegto qaybtaada ismalluraha ah?
Waxaa ugu wacan miyirka qarsoon. Waxaa jira wax la yiraahdo miyirka qarsoon (subconscious mind) iyo miyirka soo jeeda (conscious mind), wax kasta oo aad hadda samayso adiga oo aan is ogayn waxaa ugu wacan miyirka qarsoon. Qayb wayn ayay ka tahay waxyaabaha saamaynta taban kuleh awooddaada doonista. Waa meesha ay hiilka ka helayso qaybtaada caajislowga ah. Haddaba waa in aad miyirkaaga qarsoon dib u borograamiso, oo aad ka sifayso waxyaabaha aan ku anfacayn, kuna beddesho waxyaabo dantaadu ku jirto.
Si aad shaqadaas u qabato waxaa jirta qaacido aan u bixiyay: ku celcelin, ka celcelin. Haddaan kuu fududeeyo, miyirka qarsoon waxaa wax lagu gashaa ku celcelin, waxaana wax looga saaraa ka celcelin. Haddaba sidee shaqadaas ugu guulaysan kartaa oo aad awooddaada doonista kor ugu qaadi kartaa? Shantaan qodob ee hoose ayaa kaa caawin doonta in aad kor u qaaddo awooddaada doonista:
1. Kobci is aqoonsashadaada (improve self awareness):
Is aqoonsashada aad u baahan tahay waa sababta aad u samaynayso waxa aad samaynayso. Si aadan horey ugu fiirsan jirin ugu fiirso ficilladaada, go'aamadaada, iyo habdhaqannada yaryar ee aad samayso maalin kasta, saacad kasta, iyo xitaa daqiiqad kasta. Wax kasta oo kugu hareeraysan micne ha kuu sameeyeen, falcelintaadana la soco. Waxaa khasab ah in aad isku qoslayso mararka qaarkood doqonimadaada aadan ka war hayn. Ha is cabburin, xorriyad dareen, kaliya qor casharkii kuu soo baxaba. Wajigii isbarashada ayaad ku jirtaa, isbaro.
2. Nafis (meditate):
In aad nafisto waxa ay kor u qaaddaa awooddaada doonista. Nafisiddu waa in aad buuqa nolosha ka yara nasato oo aad khilaawayso. Sidee? Waxaad tagaysaa meel aan buuq lahayn oo dagan, waxay ahaan kartaa meel dabiici ah, ama qolkaaga. Muhiimaddu waa in aysan sharqan lahayn. Kaddib dhulka fariiso oo si fiican salka dhulka u dhig. Meel ha isku tiirin kursina haku fariisan. Si u fariiso aysan meel jirkaaga kamid ah aysan cadaadis dareemayn. Hal meel ku dhaygag ama indhaha xir, sidii kuu xasuus yar. Looma baahna in ay maskaxdaadu mashquusho, ama wax ku soo dhacdhacaan.
Hawo qaado, haddana soo daa. Sidaas ku wad ilaa aad diiradda (attention-kaaga) iskugu gayso hawo qaadashada oo kaliya. La soco dhaqdhaqaaqaaga, nuuxnuuxsigaaga, meelaha aad xoqanayso, ilaa aad joojiso dhaqdhaqaaq oo dhan. Maskaxdaada ku mashquuli neef qaadashada oo kaliya. Sharqanta aad maqlayso ha noqoto hawo qaadashadaada oo kaliya. Maskaxdaadu mar kasta oo ay baxdo soo celi. Yaysan meel kale ka fekerin, kaliya in aad hawo qaadanayso ka feker. Marka danbe waad la keenaysaa oo saacado badan ayaad hayn karaysaa nafisidda (meditation).
Nafisidda waxaad ka faa'idi doontaa xirfado si toos ah u hormarin doona awooddaada doonista. Xirfadahaas waxaa kamid ah; ahmiyad siinta (attention); in aysan diiraddu kaa lumin (focus); maaraynta istareeska; is xakamaynta (impulse control); is helid ama is aqoonsasho (self awareness); iwm.
3. Jimicsi samee (exercise):
Jimicsiga marka laga soo tago caafimaadka kujira, waxa uu ku leeyahay door togan awoodda doonista, sababtoo ah marka aad isbarto in aad wakhti cayiman jimicsato waa tababar aad siinayso miyirkaaga qarsoon.
4. Cunto hagaagsan cun (Eat well):
Qofku waxa uu ku dhaqdhaqaaqayo ee tamarta siiya waa cuntada, haddana iyada ayaa sii kala hagaagsan. Kama hadlayo cunto u gaar ah heer nololeed sida cuntooyinka laga cuno hoteellada waawayn. Cuntada caadiga ah ee aad heli karto ee aad cunto ayaa kala hagaagsan. Cunto waxaa jirta u samaysan in ay caloosha uun buuxiso tayo badanna aan lahayn, haddana caajis aad ka qaadayso. Kuwana firfircooni baad ka qaadaysaa. Adaa cuntadaada yaqaan, baar oo iska habee. Waxay saamayn togan ku leedahay awoodda doonista.
5. Naso (Relax):
samee nasasho qayb kamid ah maalintaada. Nafta u raaxee. Tani waxay dajinaysaa garaaca wadnahaaga iyo xasilloonida jirkaaga. Waxay saamayn togan ku leedahay awoodda doonista.
Shantaas qodob ayaa ugu waawayn waxyaabaha aad ku kordhin karto awooddaada doonista. Sidoo kale waxaad iska ilaalisa waxyaabaha awooddaada doonista hoos u dhigi kara. Midda u wayn waxaa weeye dhaleecaynta naftaada (self criticism). Ha is dhaleecayn. Cafi naftaada, haddii aadan adigu cafin yaa kaloo cafinaya. Haddii aad dhaleecayso naftaada oo aad isciilkaambido, waxaad dareemaysaa bahdilaad iyo dareen ah sida qof danbi galay (guilty). Looma baahna waxaas, naftaada cafi, u soo jeedi in ay hadda isbeddesho. Sidoo kale naftaada la saaxiib gacaltooyo sii (self compassion).
Gebagebo:
Marka aan isku soo xooriyo, waxaan ka hadalnay waxa ay tahay awoodda doonistu, qaybaheeda, waxyaabaha saameeya, sida kor loogu qaado, iyo waxyaabaha hoos u dhiga. Waxaa laga yaabaa in aadan ku qanacsanayn heerkaaga dhaqaale, hab nololeedkaaga, tacliintaada, tirada xirfadaha aad taqaano, ama hadaf kuu dagsanaa uu mar kasta kaa fashilmo, ama ugu yaraan balwad aadan ku qanacsanayn ee aad rabto si aad iskaga jarto, iwm. Dhammaan waxyaabahaas oo dhan si aad u samayso waxaad u baahan tahay AWOODDA DOONISTA. Si kasta oo aad u caqli badan tahay, caqliyadda shucuurtaadu u dhisan tahay, haddii awooddaada doonistu ay liidato waxaad noqon doontaa qof shiiqay oo iska dhinta isaga oo aan wali bannaanka u soo saarin wixii ku dhex jiray.
Awooddaada doonista kor u qaad.
Faalladaada ka dhiibo, siina faafi.
0 Comments