Macallin Mahdi oo digniin culus soo saaray kadib xiisad soo korortay

 






Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi oo maanta tegay xarunta dab-damiska oo horay looga kiciyay dad shacab ah, kadibna shalay ku laabtay iyaga oo banaanbaxaya ayaa si kulul uga hadlay xiisaddaasi Ugu horreyn Macallin Mahdi ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota dadka ka cabanaya baraha bulshada iyo kuwa hurinaya xiisadda dhulka dab-damiska, wuxuuna sheegay inay ugu tegi doonaan guryahooda, kadibna ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.


Taliyaha ayaa xusay in dalka uu leeyahay maxkamadu

Taliyaha ayaa xusay in dalka uu leeyahay maxkamadu, wuxuuna ugu baaqay qof kasta oo cabasha qaba inuu tego garsoorka, uuna u hoggaansamo sharciga dalka Dadka Media-yaha ka cabanaayo dalka sharci iyo nidaam ayuu leeyahay waxaa la rabaa inuu garsoorka dalka tego ayuu yiri Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.


Macallin Mahdi ayaa intaasi kadib ka hadlay xiisadda mar kale kasoo cusboonaatay dhulka dab-damiska oo ay shalay tageen qoysaskii halkaasi laga barakiciyay oo sheegay in ganacsato lagu wareejiyay dhulkooda, waxaase arrintaas beeniyay taliyaha oo sheegay in Booliska Soomaaliyeed uu dhisayo dhulkaasi, si loogu shaqeeyo bulshada Soomaaliyeed.


Dadka shacabka waxaan cod dheer ku leenahay goobtan la dhagax dhigaayo

Dadka shacabka waxaan cod dheer ku leenahay goobtan la dhagax dhigaayo waxaa loo dhagax dhigaa ciidanka Booliska Soomaliya, waxaana laga dhisayaa meel lagu dayactiro gaadiidka Booliska, waxaa laga dhisayaa Madiino Hospitaal Jaamacadeyda” ayuu raaciyay.


Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Waxaan sugeynay inay dhahaan waa mahadsan yihiin Booliska Soomaaliyeed, laakiin ma sugeyn iyadoo sanad kahor laga banneeyay in maanta ay kusoo banaan baxaan oo beeno loo sheego, waana ognahay dadka ka dambeeya Si kastaba, Xaafadda Dab-damiska ayaa waxaa in muddo ah ka taagnaa xiisad xoogan, kadib markii ay dowladda, si qasab ah dhulkaas uga saartay shacabkiisa deganaa


Post a Comment

0 Comments