Wacdaro cajiib ah oo maanta ka dhacay Stadium Muqdisho

 





Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho, taas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.


Xasan Sheekh oo tilmaamaya kaalinta macalinka Soomaaliyeed ayaa xusay taariikhda muhiimka ah ee macallimiintu ay ku leeyihiin horumarinta waxbarashada dalka, barbaarnta jiilal karti leh oo dhisa mustaqbalka SoomaaliyaSidoo kale wuxuu faray Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare in ay dhammeystirto tirada ka dhiman 10,000 ee Macalin.


Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macallinka iyo Askariga Soomaaliyeed

Dalkaan waxaa ugu qiima badan Macallinka iyo Askariga Soomaaliyeed, Sidaas awgeed, waxaa waajib innagu ah in la maamuuso Macallinka, lana taageero, madaama yahay laf-dhabarta horumarka bulshada, waxaan farayaa Madaxda Wasaaradda in la dhameystiro tiradii tobanka kun ee macallin, taas oo ilaa hadda dowladdu ay shaqaaleysiisay lix kun, kuwaas oo si buuxda uga howlgala goobaha waxbarashada ee kala duwan, waxaan rajeynaya inta dhimaanna in si deg deg loo diyaariyo dugsiyadii ay ku shaqeyn la hayeen, lana siiyo tababar” ayuu khudbaddiisa ku yii Xasan Sheekh Maxamuud.


Waxaa kale oo uu muujiyey sida ay dowladda uu hoggaamiyo uga go’an tahay in la xoojiyo aqoonta, tababarrada iyo dhiirrigelinta macallimiinta, si loo xaqiijiyo in jiilashan ay helaan waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah, waxa uuna ku baraarujiyey dhallinyarada in ay yihiin hogaamiyeyaasha maanta iyo beriba ee dalkeenna.


Madaxweynaha ayaa sidoo kale gudoomey billad sharaf uga timi Bahda Waxbarashada

Madaxweynaha ayaa sidoo kale gudoomey billad sharaf uga timi Bahda Waxbarashada intii ay socotay munaasabadda,wuxuuna bogaadiyey macallimiinta Soomaaliyeed dadaalkooda joogtada ah iyo adkeysiga ay muujiyeen xilliydii dalka uu soo marayey duruufaha adag Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in dowladda federaalka ah ay mudnaan gaar ah siineyso daryeelka macallinka iyo tayeynta waxbarashada dalka.


Munaasabadda waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, hay’adaha waxbarashada, macallimiinta iyo ardayda qaar ka mid ah dugsiyada Caasimadda oo soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo lagu xusayo macallinka macallinka Soomaaliyeed.


Post a Comment

0 Comments