Kooxda Liverpool ee haysata horyaalka Premier League ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedkan
Kooxda Liverpool ee haysata horyaalka Premier League ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedkan, balse hadda waxa ay ku sugan yihiin kaalinta siddeedaad ka dib 11 ciyaarood. Lixdii kulan ee u dambaysay horyaalka Liverpool waxa ay ka qaadatay oo kali ah saddex dhibcood, iyada oo Wolves oo kali ah ay uga hoosayso kooxaha heerkaas ah xilli ciyaareedkan.
Waxa ay tani timid iyada oo Reds ay xagaagan kharsh garaysay in ka badan £400m, isla markaana ay soo qaateen xiddigo heer sare ah Haddaba maxay tahay sababaha farsamo (tactical) ee kooxdu wax uga khaldamayaan ciyaar ahaan Dhibaatooyina ugu waaweyn ee Liverpool xilli ciyaareedkan ay wajahayso ayaa ah habka ay kubbada uga soo bilaabeen dhanka dambe.
Xagaagii Trent Alexander-Arnold ayaa ku biiray Real Madrid
Xagaagii Trent Alexander-Arnold ayaa ku biiray Real Madrid halka goolhayaha Alison Becker uu dhaawacmay lix todobaad kahor, taas oo keentay in khadka dambe ee Liverpool ay si ka duwan sidii hore uga ciyaaraan Giorgi Mamardashvil ayaa beddelay Alison, waxaana kala duwanaanta lugta ee labada goolhaye ay qayb ka tahay isbedelka Mamardashvili waa lug-bidix, taas oo ka dhigaysa inuu ciyaari kubbad gaar ah oo aanu Alisson samayn lahayn Tani ayaa beddel ka ah qaabkii ay Liverpool u baratay ee Alisson iyo goolhayihii labaad Caoimhin Kelleher ay labaduba u ahaayeen lug midig.
Goolhayayaasha ayaa si dhakhso badan u ciyaari kara kubbadaha
Goolhayayaasha ayaa si dhakhso badan u ciyaari kara kubbadaha gaagaaban marka dhinaca jirkooda ay ka soo laadayaan. Furfurida jirkooda iyo in ay ka soo ciyaaraan dhanka fog badanaa waqti ayay qaadataa Alisson, kubbadaha waxa uu inta badan siiyaa Virgil van Dijk oo ah daafaca dhexe ee ugu kartidafiican kubbad dhisida. Hase yeeshee Mamardashvil oo lug bidix ah ayaa si dabiici ah kubbada ugu leexiya dhanka midig oo hadda ay ka saftaan Ibrahim Konate iyo Conar Bradley ama Jeremie Frimpong.
Inta badan xilli ciyaareedkan Liverpool ayaa isku dayday inay kubbadda si gaaban uga dhistaan gadaal, balse way ku dhibtoodeen, gaar ahaan dhankooda midig Kooxo badan ayaa Liverpool ku adkeeyay ciyaarta iyaga oo cadaadis saaraya si ay ugu gooyaan dhanka bidix ee garoonka, taas oo mar kale ku khasabaysa Liverpool inay ku bilaabaan kubbada dhanka midig Sidoo kale kooxaha ka soo horjeeda ayaa weeraryanada dul dhiga Van Dijk si ay u yareeyaan saamayntiisa kubbad dhisidda.

0 Comments