Ra’iisul wasaare Xamza oo maanta xaqiijiyay guul taariikhi ah

 





Xamza Cabdi Barre oo maanta xaqiijiyay guul taariikhi ah ayaa noqday

Xamza Cabdi Barre oo maanta xaqiijiyay guul taariikhi ah ayaa noqday Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa, tan iyo markii dib loo yakleelay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, maadaama uu xafiiska joogo muddo 3 sano iyo 5 bilood ah Xamza ayaa hoggaanka ka qabtay Xasan Cali Khayre oo isna xilka Ra’iisul wasaaraha hayay muddo 3 sano iyo 4 bilood ah oo uu lasoo shaqeeyay Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).


Sidoo kale Xamza ayaa hadda kusii dhawaanaya inuu noqdo Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uga dhiman bilo yar Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal soo saaray ayaa soo bandhigay 7 qodob uu Xamza ku kasbaday inuu ka dheereeyo Ra’iisul wasaareyaashii hore ee uu ku dhaafay muddada xil-haynta.


Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran Mudane Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran Mudane Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre, Waxa uu noqday Raysalwasaariihii ugu waqtiga dheeraa tan iyo markii dib loo unkay Jamhuuriyadda Sadexaad Sidoo kale bilo yar ayaa uga dhiman in uu noqdo Raysalwasaaraha ugu waqtiga dheer taariikhda Jamhuuriyadda Soomaaliya Ka sakoow Calafka allaah xagiisa ka ahaaday, wuxuu la yimid dhawr sifo oo sabab u noqday in uu sameeyo taariikhdaan naadirka ah.


1- wuxuu muujiyay xil gudasho dhab ah oo adag.


2- wuxuu muujiyay hogaamin sare oo u sahashay in uu ilaaliyo kalsoonida Madaxda Qaranka, Baarlamaanka iyo Dadwaynaha.


3- wuxuu ka adkaaday in ay jidkiisa ka weeciyaan dabaylaha Siyaasadeed ee horay ula tagay rag badan oo xilka uga horeeyay.


4- wuxuu la yimid alle ku xirnaasho iyo isku kalsoonaan shaqsi ah.


5- xukuumaddiisa wuxuu ku hogaamiyay waxqabad balaaran iyo isku duubni sal adag.


6- wuxuu ku adkaystay fulinta Barnaamijkiisii Siyaasadeed ee lagu ansixiyay kuna qotoma aragtida Madaxwaynaha.


7- wuxuu ku sifoobay dhawrsoonaan, deganaan iyo maarayn mug leh.


Waxaa mudan bogaadin Madaxwayne Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud

Waxaa mudan bogaadin Madaxwayne Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo siiyay kalsoonidiisa, iyo hogaanka iyo Xubnaha Baarlamaanka oo iyana ku taageeray xil-gudashadiisa.


Golaha Wasiirada oo muujiyay midnimo iyo xil gudasho bishay hogaanka Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre Waxaan u rajaynayaa Raysalwasaaruhu in uu sii wadi doono xaqiijinta taariikho kale kuwaas oo galidoona Buugga taariikhda Shaqsiyan, sharaf wayn ayay ii tahay in aan xubin ka ahay Xukuumadda Raysalwasaare Xamse ee samaysay taariikhdaan.


Post a Comment

0 Comments