Garsooraha Soomaaliga ee kubadda cagta Cumar Cabduqaadir Cartan
Garsooraha Soomaaliga ee kubadda cagta Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa ku guulaystay garsooraha ugu fiican ee qaarada Afrika sannadkan 2025 Munaasabad lagu bixinayay abaalmarinta xiriirka kubbada cagta Afrika (CAF) oo ka dhacday magaalada Rabat, ee Marocco ayaa looga dhawaaqay guusha garsoore Cumar.
Madaxda xiririka kubadda cagta ee bariga iyo bartamaha Afrika (CECAFA) ayaa soo dhoweysay guusha cartan Waa guul taariikhi ah oo la gaaray xillliga garsoorka CECAFA, waxaan hambalyaynayaa xiddigahayaga Shamrin Nabadda iyo Cabduqaadir Cartan ayuu yiri madaxa garsoorayaasha CECAFA Cali Axmed Shamirah Nabadda oo ka soo jeeda Uganda ayaa iyadu dhanka garsoorayaasha kubbada cagta haweenka ku guulaysatay Afrika
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda soo dhoweysay guusha Cartan, waxaana uu umadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan bahda ciyaaraha ugu hambalyeeyay guusha Cartan, sida lagu baahiyay qoraal ay soo dhigtay warbaahinta dowladda Waxaan umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan bahda ciyaaraha ugu hambalyaynayaa guusha uu soo hoyay garsooraha heerka caalami ee Soomaaliyeed Mudane Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guulaystay billada garsooraha sannadka ee Afrika 2025 oo ay guddoon siiyeen xiriirka kubadda cagta ee Afrika (CAF)'' ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay Cartan inuu astaan u yahay kartida, hal adeyga iyo xirfadda mihnadeed ee heerkeedu sarreeyo ee ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed Garsoore Cumar waxa uu astaan u yahay kartida, hal adeygga iyo xirfadda mihnadeed ee heerkeedu sarreyo ee ay lee yihin dhallinyaradeennu, isaga oo ku guulaystay in magaca ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo dhalinyarrada si gaar ah uu sare u qaado isla markaana ku matalo fagaarayaasha caalamka, guushaan taariikhiga ahna kasoo hoyay ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Dhankiisa ayaa madaxweynihii hore ee DF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku soo dhoweeyay guusha Cartan oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid muujinaysa hal abuurka iyo firfircoonida dhallinyarada Soomaaliyeed Hambalyo iyo bogaadin ayaan u diraynaa garsoore Cumar Cabduqaadir Carta oo ku guulaystay garsooraha ugu wanaagsan heerka Afrika sannadka 2025. Guushu waxa ay muujinaysaa firfircoonida iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sida ay u soo hoyn karaan guulo waaweyn, haddii la siiyo fursado ku habboon iyo garab istaag muuqda
Sidoo kale madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaan
Sidoo kale madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaan isana bartiisa Facebook ku qoray Waxaan halkaan uga hambalyeynayaa garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ku guulaystay Garsooraha sanadka 2025 ee qaaradda Afrika qaasatan garsooraha ugu fiican ciyaaraha kubadda cagta ee ragga Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan wuxuu guushaan ku muteystay adkeysi, karti iyo xirfad waxayna taasi sharaf u tahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda ciyaaraha ee dalkeenna
Cali Cabdi Maxamed (Shiine) oo ah guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa qoraal la soo dhigay barta bulshada ee xiriirka kubbada cagta Soomaaliya, ku yiri ''Cumar waxa uu ku mutaystay abaalmarinta dadaal joogto ah, xirfad sare, cadaalad uu ku shaqeeyo iyo matalaad heer caalami ah oo lagu faano Waxa uu intaasi ku daray Cumar waa iftiin kale oo u iftiimay kubadda cagta Soomaaliyeed, guushiisuna waxa ay dhiirigalin u tahay dhammaan garsoorayaasha iyo dhalinyarada ku jirta waddadan wanaagsan,'' ayuu yiri guddoomiyuhu Guddoomiye Shiine ayaa u rajeeyay Cumar Cartan, horumar, guulo badan iyo inuu sii wado matalaad sharaf leh ee uu u hayo Soomaaliya.''
Guusha Cumar Cartan ee garsooraha ugu fiican kubbada cagta ee qaarada Afrika ayaa timi xilli uu sanadihii u dambeeyay hananayay guulo waaweyn oo kor u sii qaadayay sumcaddiisa garsooranimo Waxa uu sannadka kamid noqday garsoorayaal loo xushay tartanka koobka adduunka ciyaartooyda da'doodu ka yartahay labaatan sanno jirka ee FIFA U-20 World Cup 2025 Waxa uu soo noqday garsoorihii ugu horreeyay ee ka socda Soomaaliya ee garsoor ka noqda ciyaartii wareega afar dhammaadka ee koobka kooxaha qaarada Afrika.

0 Comments