R/Wasaare Xamza oo caalamka u sheegay in Soomaaliya ka jirto…

 





Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulankii xiritaanka ee Madasha Caalamiga ah ee MEDays ee Boqortooyada Morooko ka sheegay in Soomaaliya ay haatan ka jirta xasillooni siyaasadeed iyo amni.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxdii kala duwaneyd ee kasoo qeyb-gashay shirka la wadaagay in Soomaaliya qoreyso bog cusub oo taariikheed, dibna uso ceshatay magicii iyo mansabkii ay dunida kulahaan jirtay.


Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya maanta tahay 

Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya maanta tahay meel xasilloonideeda amni iyo siyaasadeedba la’isku haleyn karo, dib-u-qaabeyn iyo dib-u-dhis wanaagsana uu ka socdo, diyaarna u tahay in ay kaalin weyn ka geysato degenaanshaha guud ee Gobolka iyo dunidaba.


Halkan uma aanan iman anaga oo raadinayna samofal

Halkan uma aanan iman anaga oo raadinayna samofal, ee waxaan nimid anaga doonayna iskaashi , diyaarna la ah in aan aragtiyo biirinno iyo wax-isweeydaarsi, islamarkaasna qeyb ka ah xalka ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Afrika aysan sii ahaan karin daawade arrimaha adduunka, balse ay tahay mid qeyb ka ah dajinta qorsheyaasha mustaqbalka.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta iyo iskaahsiga Dalalka dhaca Daanta Koonfureed ee Dunida (Global South) Isu-imaatinka Madasha MEdays oo socday muddo 4 cisho ah ayaa soo gebo-gaboobay, iyada oo Soomaaliya sanadkan ku lahayd kaalin hormuud ah, halkaasna laga soo guntay xiriiro noocyo badan oo waxtar u leh danaha dhow iyo kuwa fog ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Post a Comment

0 Comments