Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomay haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta Haddiyadan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha guddoonsiiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac, maadaama ay Wasaaradda dhismaha Warfaafinta Soomaaliya qeyb ka ahayd Matxafka Nabadda ee Carta.
Wasiir Daa’uud ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Xamza ka siiyey warbixin faah-faahsan oo ku saabsan marxaladii uu soo maray Matxafka Nabadda ee Carta, kaasoo 30-kii October si wadajir ah uu u daah-furey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele.
Wasiirku wuxuu si gaar ah Ra’iisul Wasaaraha ugu faah-faahiyey doorkii Wasaaradda Warfaafinta
Wasiirku wuxuu si gaar ah Ra’iisul Wasaaraha ugu faah-faahiyey doorkii Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ee ku aaddanaa qalabeynta iyo qabanqaabada munaasabadda daah-furka Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey hirgelinta Matxafka taariikhiga ah ee Carta, isagoo xusay in booqashadii bilowga ahayd ay ka dhalatay aragtida ah in taallo Nabadeed laga dhiso.
Sidoo kale waxa uu si gaar ah ugu bogaadiyey doorkii Wasaaradda Warfaafinta
Sidoo kale waxa uu si gaar ah ugu bogaadiyey doorkii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ay ku lahayd qalabeynta iyo furitaanka Matxafka, kaasoo lagu daah furay 25 guuradii ka soo wareegtay Shirweynihii Nabadda Soomaalida ee Carta, oo sanadkii 2000 lagu qabtay gobolka Carta ee Dalka Jabuuti.
Geba-gebadii, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddoonsiiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamza Cabdi Barre, haddiyadaha uu u diyaariyey guddigii dhismaha iyo qalabeynta Matxafka Nabadda Carta, oo uu guddoomiyaha u ahaa Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Yoonis Cali Guedi

0 Comments