Markii Gabriela ay billowday inay isku daydo dhimista miisaankii ku kordhay xilligii cudurka Covid
Markii Gabriela ay billowday inay isku daydo dhimista miisaankii ku kordhay xilligii cudurka Covid, waxay ogaatay in dhowr kiilo oo miisan aysan gebi ahaanba is dhimaynin Gabriela oo ah garyaqaan dagan magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil, waxay miisaankeedu ahaa 76kg iyadoo dhererkeedu yahay 1.69m (ama 5ft 6in). Waxay tiri, "Wax walba waan isku dayay oo ay ku jiraan cunista cunto badan iyo jimicsiyo adag lix jeer usbuucii laakiin waxba isma bedelin Kadib saaxiibadeed, kuwaas oo iyaguna ah xirfadlayaal guuleystay, ayaa la wadaagay sir — waxay adeegsanayeen dawo cirbad ahaan loo qaato oo lagu yareeyo miisaanka waxaana ay aad ugu faraxsanaayeen natiijada.
Inkasta oo ay ahayd qof caafimaad qabta oo muddo dheer jimicsi samayn jirtay isla markaana leh qaab jidheed u dhigma dadka jimicsada, haddana Gabriela, oo 40 jir ah, waxay go'aansatay inay iyaduna isku daydo wixii saaxaabadeed ay sameeyeen oo kale Waxay iibsatay cirbadda Ozempic ka iibsatay farmashiye ku yaal Rio de Janeiro bishii Febraayo 2024 — iyada oo aan wadan warqad dhakhta rsoo qoray iyo aananna buuxin shuruudaha caafimaad ee lagu qoro cirbadda waxayna bilowday isticmaalka iyada oo aan haysan kormeero caafimaad.
Natiijadu waxay ahayd mid degdeg ah
Waxay ahayd wax aan la rumaysan karin ayay Gabriela xasuusataa Waxaan aaday makhaayad Japanese ah, lix xabbo oo sushi ah ayaan cunay, waxaana dareemay sidii inaan cunay kiilo dhan oo hilib ah Gabriela ma rabto in dadweynuhu ogaadaan isticmaalkeeda daawadan, sidaas darteed BBC waxay ku isticmaalaysaa magac an rasmi ahayn maqaalkaan.
Ilaa maanta si goosgoos ah u isticmaashaa dawada Markaan iski eego muraayadda oo aan arko muuqaal i farxad gelinaya, wax kasta oo noloshayda ah way fududaadaan, ayay tidhi Laakiin dhakhaatiirta waxay uga digayaan dadka sida Gabriela oo kale — kuwa aan u baahnayn dawadan caafimaad ahaan isla markaana isticmaalaya iyaga oo aan la tashan takhtar — in ay khatar weyn gelinayaan caafimaadkooda.
Waxaan dareemay barar yar Inkasta oo shuruudaha qorista ay ku kala duwan yihiin dalalka, haddana dawadan waxaa badanaa loo qoraa dadka waaweyn ee loo tixgeliyo cayil tira badan, ama kuwa qaba xaalado caafimaad oo la xidhiidha miisaankoda sida sonkorow, dhiig kar, ama wadne xanuun Si kastaba ha ahaatee, si sii kordheysa ayaa dawadan loogu adeegsadaa ujeeddooyin kale sida in miisaanka lagu dhimo, xitaa marka aysan jirin baahi caafimaad.
Markii Gabriela ay bilowday isticmaalka waxay ahayd qof wax yar cayilan
Markii Gabriela ay bilowday isticmaalka, waxay ahayd qof wax yar cayilan Qaraabadeeda, asxaabteeda, xitaa dhakhaatiir aya si joogto ah uga waraysta halka laga heli karo dawadan Dhanka kale, Dr Bharti Shetye, oo ah ku-xigeenka madaxweynaha Ururka Daaweynta Cayilka ee Mareykanka, ayaa sheegtay in ay dunida oo dhan ka shaqeyso oo ay ku jirto Hindiya, Bariga Dhexe, iyo Mareykanka isla markaana meel kasta oo ay tagto ay maqasho dad aad u badan oo isticmaalaya dawadan una adeegsadaan qaab is qurxin ah.
Bishii Ogosto, ciyaaryahanka caanka ah ee tennis-ka Serena Williams oo ka mid ah ciyaartoyda ugu guusha badan taariikhda ayaa si furan u sheegtay in ay isticmaasho cirbadaha lagu dhimo miisaanka Sidoo kale Kelly Osbourne, oo ah qof caan ka ah telefishinka, ayaa hore u sheegtay in ay isticmaasho dawadan, waxayna sababta ay u qaadatay ku soo koobtay wareysi ay bixisay 2024-kii iyadoo leh:
Waxaa jira malaayiin siyaabood oo miisaan lagu dhimo. Haddaba maxaa diidaya in lagu sameeyo qaab aan caajis ahayn sida jimicsiga? Dhanka kale, Andrew, oo ah maamule sare oo ku nool London bartankeeda, kuna caan ah qabanqaabinta xafladada, waxa uu sheegay in sababta uu u bilaabay isticmaalka dawadan ay ahayd murugada uu ka qabay muuqaalka jirkiisa Mid ka mid ah dhibaatooyinka jira waa in ay adag tahay in la xakameyn karo isticmaalka cirbadaha miisaanka lagu dhimo ee loogu talagalay dadka keliya haysta warqad dhakhtar.
Gudaha UK, dawadan waxaa lagu heli karaa oo keliya marka uu dhakhtar kuu qoro Laakiin dhakhaatiir iyo dad ay BBC la hadashay ayaa sheegay in qaar ka mid ah farmashiyeyaasha onlaynka ah ay si dhab ah u sameeyaan kormeer aad u yar marka ay iibinayaan dawadan Sida laga soo xigtay shirkadda xog ururinta suuqyada IQVIA, ilaa Maarso 2025 waxaa lagu qiyaasay in 1.5 milyan oo qof oo UK ah ay isticmaalayeen cirbadaha lagu dhimo miisaanka, iyadoo 95% ay ka iibsadeen onlayn.
Horaantii 2025, Guddiga Guud ee Farmashiyaasha UK ayaa adkeeyay xeerarka ku saabsan sida farmashiyeyaasha onlaynka ah u iibin karaan ama u qori karaan dawadan, kadib markii ay soo kordheen walaacyo ku saabsan isticmaal xad-dhaaf ah, badbaado la'aan, iyo yaraan sahayda Sidoo kale, Brazil waxay sanadkan adkaysay sharciyada ku saabsan qorista dawadan sabab la mid ah — isticmaal ka khaldan iyo khatarta caafimaad.

0 Comments