Cabdinuur oo si weyn u dhaleeceeyay DF soona bandhiy 5 qodob

 





Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo saaray ayaa si weyn u dhaleeceeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo gaar ah uga horyimid adeegga e-Visa.


Cabdinuur ayaa soo saaray 5 qodob oo uu saldhig uga dhigay dhaliishiisa, wuxuuna sidoo caddeeyay caqabado waa wayn oo ka taagan adeeggan cusub ee lasoo kordhiyay.


𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐢𝐢𝐥𝐬𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥-𝐤𝐮-𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛𝐞𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐄-𝐂𝐚𝐠𝐚𝐟?

1. Dadkii Soomaaliyeed ee qurbaha kasoo safraayay ee u socda Garoomada Hargeysa, Berbera, Garoowe iyo Boosaaso waxaa lagu khasbay laba lacag in ay bixiyaan; tan E-Visa (E-Cagaf) iyo tan Somaliland Puntland. Waa $120 isku darkooda.


2. Khasnaddii dhexe ee Dowladda Federaalka waxaa laga garab furay khasnad Cagaf oo si khaas ah lacagaha loogu naasnuujiyo saaxiibada iyo qoyska Xisbiga Dan Cagaf.


3. E-Visa-ha Kenya waa $34 laakiin dhexda ayaa loo fadhiyaa oo $300 ayuu ku dhawyahay. Haddiiba, Dowladda Soomaaliya ku fashilantay inay tallaabo ka qaado shakhsiyaadka gacansaarka laleh ee Visa-ha dal kale ummadda ku dhibaya, sidee looga sugayaa in system ay iyada maamusho uu hufnaan ugu shaqeeyo shacabka? Gacmo nadiif ah ayaa wax daahiriya


4. Inkastoo dagaalka siyaasadeed uu ku socdo Deni iyo Cirro, haddana dhibka wuxuu gaarayaa qurbajoogto soo gurya noqonaysa kaliya. Ma qiyaasi kartid waxa hooyo ilmo jiidaysa oo garoomada caalamka lagu xannibayo.


5. Inta Dowladda Federaalku ay ka gaaraysa in ay dalka oo idil wada maamusho (de facto) oo haatan ay magac ahaan kaliya uga taliso (de jure), waa in laga fogaadaa tallaabooyinka dadka kasii fogeynaya dowlad xukunkeeda iyo adeegeeda caasimad kaliya yaallo (centralized system), waana in la daadajiyaa adeegyada inta kalsoonidu kasoo noqonayso.


Markii intaas la eego sow gar maha in la dhaliilo Cagafta danabaysan ee Madaxweyne Xasan Sheekh?


F.G: Waan taageersanahay in dalka hal nidaam yeesho laakiin waa goorma? Waa markii la helo dowlad hufan oo la aamino karo, kalana saarta DAN QOYS iyo DAN QARAN. Midda hadda jirta, dhaqankeedu dowladnimo maaha ee waa cagaf inta nool barakicinaysa, inta dhimatay quruubahooda qodeysa, inta qurbaha kasoo cararaysana cirka ku isbaaraysanaysa Maya in dadka Soomaaliyeed culeys cusub la saaro. Diida E-Cagafta.


Post a Comment

0 Comments