War-saxaafadeed goordhaw lasoo saaray ayaa faahfaahin looga bixiyay
War-saxaafadeed goordhaw lasoo saaray ayaa faahfaahin looga bixiyay shir maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya isugu yimaadeen madaxda maamulada Puntland, Jubbaland iyo xubno matalayay Madasha Samatabixinta Qaranka.
Shirkan ay maanta yeesheen madaxda labada maamul goboleed iyo Madasha Samatabixinta Qaranka
Shirkan ay maanta yeesheen madaxda labada maamul goboleed iyo Madasha Samatabixinta Qaranka, ayaa looga hadlay xaalada dalka , gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga , iyo sidii looga shaqeyn lahaa xasillooni siyaasadeed oo dalka ka dhacda.
Warka kasoo baxay kulankan ayaa lagu shaaciyay
Warka kasoo baxay kulankan, ayaa lagu shaaciyay in la isku raacay dhismaha golaha Mustaqablka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin madaxda maamulada Puntland , Jubbaland iyo sidoo kale Madashada Samatabixinta Qaranka.
Shirkan ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa sidoo kale lagu goáamiyay in shir isugu yimaadaan gudaha Soomaaliya xubnaha ku midoobaya golaha Mustaqablka Soomaaliya, shirkaas oo lagu dhameystirayo golaha cusub ee la dhisayo.

0 Comments