Dowladda oo dalka kusoo celisay in ka badan 170 qof oo Tahriibayaal ahaa

 





Diyaarado siday in ka badan 170 qof oo tahriibayaal Soomaaliyeed ahaa

Diyaarado siday in ka badan 170 qof oo tahriibayaal Soomaaliyeed ahaa, ayaa laga soo dejiyay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, kaddib markii laga soo celiyay dalka Liibiya oo dhibaato badan ku heysatay.


Dhallinyaradan tahriibayaasha ah ee dalka lagu soo celiyay

Dhallinyaradan tahriibayaasha ah ee dalka lagu soo celiyay oo gaaraya 173 qof, ayaa Muqdisho la keenay 151 kamid ahaa , halka tirada kalana laga dejiyay magaalada Hargeysa, waxaana dhallinyaradan badankood laga soo daayay xabsiyo ay ku xirnaayeen.


Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya uu ugu horreeyo Ra’isul Wasaare

Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya uu ugu horreeyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka labaad ee dalka, ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay dhallinyaradan laga soo celiyay dalka Liibiya.


Dowladda Soomaaliya, ayaa marar badan ka shaqeysay in dalka lagu soo celiyo dhallinyaro badan oo Soomaaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya, halka qaarkood laga soo badbaadiyay kooxo magafayaal ah oo meelo halis ah ku heestay.



Post a Comment

0 Comments