Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday guddoomiyihii degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir Md. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud., waxa uuna Muungaab magacaabay guddoomiye cusub.
Wareegtada uu soo saaray duqa magaalada Muqdisho
Wareegtada uu soo saaray duqa magaalada Muqdisho , ayuu ugu magacaabay guddoomiyaha degmada Daarusalaam in uu noqdo Mudane Mire Salaad Dhuxulow, oo isbuucyo kahor laga qaaday xilka guddoomiyaha degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa kula dardaarmay
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee degmada Daarusalaam Mire Salaad Dhuxulow in uu mudnaan siiyo harumarinta degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.
Duqa magaalada Muqdisho, ayaa inta badan xilka ka qaaday guddoomiyaashii degmooyinka gobolka Banaadir markii uu xilka la wareegay, waxa uuna Muungaab soo magacaabay guddoomiyaal cusub oo u badan dhallinyaro waxbaratay, kuwaa oo looga fadhiyo in shaqooyin badan qabtaan.

0 Comments