Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaciyay la soo gaba gabeeyay diiwaan galinta Doorashada qof iyo codka ah ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in la diiwaan galiyay
Guddoomiyaha ayaa sheegay in la diiwaan galiyay ku dhawaad 1 milyan oo shacabka ku nool Muqdisho, kuwaasi oo xaq u yeelan doona in ay codeeyaan.
Duqa Magaalada Muqdisho iyo golaha deegaanka waxaa la dooran doona 30 bisha October, waxaana loo dareeri doona codbixin” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan.
Shacabka Muqdisho waxay u dareeri doonaan doorashada
Shacabka Muqdisho waxay u dareeri doonaan doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Magaalada Muqdisho, waxaan aad ugu faraxsanahay in tiro ku dhow hal milyan oo qof ay noo diiwaan-gashan yihiin, kuwaas oo liiskooda aan shaaci doono 27-ka bishaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan.

0 Comments