Maxaa kasoo baxay shirkii maanta dhax maray Madaxweynaha iyo Mucaaradka ?

 




Waxaa goordhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa goordhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kusoo dhammaaday, shir xasaasi ahaa oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka


Sida aan xogta ku helnay shirkan ayaa soo dhammaaday iyadoo aanay heshiis kama dambeys ah la gaarin, waxaana labada dhinac kulan kale oo dhameystir ah u ballameen in ay isugu yimaadaan maalinta Arbacada ee soo socota.


Mucaaradka , ayaa la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka , ayaa la sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ka dalbadeen in uu sameeyo tanaasul, si wadahadallada natiijo looga gaaro, waxaana si gaar ah dood uga taagan tahay cutubka 4aad ama Chapter 4, oo wax ka baddelkiisa la isku mari la’yahay.


Wadahalka u socda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta

Wadahalka u socda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka  ayaana gebogebadiisa laga war sugayaa waxa uu kusoo dhammaado waxa uuna shirkan imaanayaa xilli waqtiga u haray dowladda ay gebogebo tahay.


Siyaasiyiinta mucaaradka , ayaa si weyn uga soo horjeeda wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya iyo sidoo kale doorashada qof iyo cod ay u arkaan mid aan xilligan dalka ka qabsoomi karin.



Post a Comment

0 Comments