Kheyre oo baaq muhiim ah u diray Madaxda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed

 




Raísul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya

Raísul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa ka hadlay dabkii xalay ka dhacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuq Bacaad, kaa oo xalay dab xooggan uu qabsaday ayna ku hanti beeleen ganacsato badan .


Xasan Cali Kheyre , ayaana murugada iyo tiiraanyada la qeybsaday ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda ku waayay xalay dabkii ka kacay Suuq Bacaad, waxa uuna ilaah uga baryay in uu siiyo baddel kheyr badan iyo barako.


Raísul Wasaarihii hore ee Soomaaliya

Raísul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaana musiibo Qaran ku tilmaamay gubashada suuqyada, waxa uuna ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya , ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in loo gurmado ganacsatadii dabka ku hanti beeshay.


Gubashada hantida ganacsatada dalku waa musiibo qaran

Gubashada hantida ganacsatada dalku waa musiibo qaran, waana waajib diini iyo damiiri ah in waqtigan adag la garab-istaago dadkii suuqan ku tiirsanaa ee khasaaruhu saameeyay. Waxaan dowladda, ganacsatada, iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay loo gurmado ganacsatadii dabkan ku hantibeeshay, dib-u-dhisna lagu sameeyo Suuq Bacaad oo ka mid ah halbowlayaasha dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Kheyre.


Ganacsato badan oo Soomaaliyeed, ayaa xalay ku hanti beelay dab xooggan oo baabiíyay qeybo badan oo kamid ah Suuq Bacaad, lamana oga ilaa hadda waxa sababay dabkan oo sidoo kale sababay geerida gabar yar oo ku sugneed goobta uu dabka ka kacay.



Post a Comment

0 Comments