Sidee adduunku uga falceliyey geerida ku timid Diogo Jota?

 



Kooxda Liverpool ayaa sheegtay in ay si weyn

Kooxda Liverpool ayaa sheegtay in ay si weyn u naxeen kaddib khasaaraha aan la qiyaasi karin" ee ah geerida ku timid weeraryahankooda Diogo Jota, oo ku dhintay shil baabuur isagoo 28 jir ah.


Ciyaaryahanka caalamiga ah ee reer Portugal iyo walaalkiis Andre Silva, oo 25 jir ahaa, ayaa dhintay ka dib markii gaadhigoodii uu waddada kala baxay sababo la xidhiidha qarax taayir, taas oo ka dhacday gobolka Zamora ee dalka Spain.


Jota ayaa bishii hore guursaday lamaanihiisii ay wada socdeen muddada dheer Rute Cardoso, waxayna wada lahaayeen saddex carruur ah. Kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo, oo Jota ay u wada ciyaari jireen xulka qarankooda, ayaa baraha bulshada ku qoray Waa wax aan la fahmi karin. Waxaan dhowaan isla joogney xulka qaranka, waakii dhawaanna guursaday. 


Ronaldo oo shan jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon

Ronaldo oo shan jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or ayaa tacsi u diray qoyskiisa, xaaskiisa iyo carruurtiisa, wuxuuna raaciyey: "Waan ogahay inaad mar walba la jiri doontid. Nabad ku leda, Diogo iyo Andre. Waan idiin xiisi doonnaa. Kooxda Liverpool ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay: Liverpool FC aad ayay uga murugaysan tahay geerida naxdinta leh ee Diogo Jota.


Waxay intaas ku dareen Liverpool FC wax faallo ah kama bixinayso arrintan hadda, waxayna si xushmad leh uga codsaneysaa in la ixtiraamo asturnaanta qoyska Diogo iyo Andre, asxaabtooda, saaxiibadooda kooxda iyo shaqaalaha, iyagoo isku dayaya in ay la qaybsadaan khasaarahan aan la qiyaasi karin."


Tababaraha hore ee Liverpool Jurgen Klopp, oo isagu Jota u keenay kooxda, ayaa sheegay inuu "qarracmay Waa waqti aanan hadal karayn. Waxaa laga yaabaa inay jirto sabab ka weyn, balse anigu ma arkayo ayuu Klopp ku qoray Instagram. Diogo ma ahayn oo keliya ciyaaryahan heer sare ah, balse wuxuu ahaa saaxiib weyn, aabe iyo say naxariis badan. Aad ayaan kuu tabi doonnaa.


Jota, ayaa ku soo biiray Liverpool sanadkii 2020 isagoo ka yimid kooxda Wolves

Jota, ayaa ku soo biiray Liverpool sanadkii 2020 isagoo ka yimid kooxda Wolves, ayaa ku guuleystay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii tegay, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa kooxdii qaaday FA Cup iyo League Cup xilli ciyaareedkii 2021-22. Xiriirka Kubadda Cagta Portugal (FPF) ayaa sheegay in Jota uu ahaa "wax ka badan ciyaaryahan cajiib ah."


Jota ayaa u dhaliyay Liverpool 65 gool 182 kulan oo uu u saftay, isagoo ka caawiyay inay ku guuleystaan FA Cup iyo League Cup sanadkii 2022, iyo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii tegay. Jota waxa uu Wolves uga soo dhaqaaqay Atletico Madrid sanadkii 2017, markii hore isagoo amaah ku yimid.


Jota, oo markii ugu horreysay xulka Portugal u saftay sanadkii 2019, ayaa ciyaartii ugu dambeysay ee caalamiga ahayd u ciyaaray dalkiisa 8-dii Juunyo, markaas oo ay ka badiyeen Spain ciyaartii kama dambeysta ahayd ee tartanka Nations League. Wuxuu u dhaliyay xulka 14 gool 49 kulan.


Ra'iisul Wasaaraha Portugal, Luis Montenegro, ayaa yidhi Warka geerida Diogo Jota, oo ahaa ciyaaryahan si weyn u maamuusay magaca Portugal, iyo walaalkiis, waa mid lama filaan ah oo murugo leh. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskooda. Waa maalin murugo u ah kubadda cagta iyo guud ahaan cayaaraha heer qaran iyo caalamiba.


Tababarihii hore ee Chelsea iyo Tottenham, Andre Villas-Boas, oo haatan ah madaxweynaha kooxda Porto, ayaa isna yidhi: "Tani waa xilli murugo qoto dheer leh oo ku dhacday taageerayaasha Porto iyo guud ahaan shacabka reer Portugal."


Post a Comment

1 Comments