Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC—Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah.
Mashaariicdan ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hirgelinaysa magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka KMG ah SSC-Khaatumo.
Ra’iisul Wasaaraha oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay
Ra’iisul Wasaaraha oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna.
Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah:
𝟏. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟐. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐋𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝.
𝟑. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟒. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐬𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐲𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝.
𝟓. 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐨 𝐥𝐚𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐫𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐤𝐚𝐚𝐛 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐮𝐮𝐡𝐨𝐨𝐝𝐥𝐞
𝟔. 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨.
𝟕. 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡 (𝐒𝐎𝐃𝐌𝐀).
8. 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨( 𝐒𝐭𝐚𝐭𝐞 𝐇𝐨𝐮𝐬𝐞 𝐇𝐨𝐬𝐩𝐢𝐭𝐚𝐥).
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo maanta soo gaba-gabeynaya booqashadiisa Laascaanood ayaa halkaasi kulamo muhiim ah kula qaatay hoggaanka SSC, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo dowladda federaalka xaqiijisay taageeradeeda SSC, oo haatan si weyn isku hayaan Somaliland.
Si kastaba, booqashada Xamza ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood.
0 Comments