Faah-faahinta dagaal culus oo maanta ka dhacay Hiiraan

 

Faah-faahinta dagaal culus oo maanta ka dhacay Hiiraan


Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa 

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal culus oo saaka mar kale ka qarxay deegaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan.


Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka oo garabsanaya dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay deegaanka Abooreey.


Ciidamada iskaashanaya ayaa ku guuleystay inay deegaanka ka saaraan maleeshiyaadka, sida ay xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya oo war rasmi ah kasoo saartay dagaalka.

Dowladdu waxay sheegtay in ciidamada haatan sii wadaan baacsiga firxadka Al-Shabaab

Dowladdu waxay sheegtay in ciidamada haatan sii wadaan baacsiga firxadka Al-Shabaab ee ku jira duleedka deegaankaas, iyadoo dhanka kalena xustay in hawlgallo ballaaran ay weli ka socdaan qeybo kale oo dalka ka mid ah.


Qoraalka dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarro qorsheysan ay ka socdaan nawaaxiga degmada Runirgood iyo deegaannada Guulane iyo Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe.


Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in dagaallo culus ay ka socdaan aagga u dhexeeya degmooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Dowladda ayaa ku faantay in hawlgaladaasi jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa carabka ku dhufatay in hawlgallada socda ay yihiin

Dowladda Federaalka ayaa carabka ku dhufatay in hawlgallada socda ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu ciribtiro kooxda Al-Shabaab, lana xoreeyo dhammaan deegaannada ay gacanta ku hayaan ee labada gobol – Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.


Kooxda Al-Shabaab oo dhawaanahan weerarro xooggan ka waday gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa haatan u muuqata mid u wareegtay dhanka gobolka Hiiraan. Tani ayaa timid kadib markii ciidankii Macawiisleyda ee Hiiraan loo wareejiyay Shabeellaha Dhexe.


Dowladdu waxay sheegtay in ujeeddadu tahay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab guud ahaan dalka, iyadoo xoogga la saarayo sidii deegaanada ay weli ku sugan yihiin kooxdaasi looga saari lahaa guud ahaan dalka.


Post a Comment

0 Comments