Imaaraatka Carabta ayaa cambaareeyay qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho

Imaaraatka Carabta ayaa cambaareeyay qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho

Abu Dhabi, Agoosto 3, 2017 – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul

Abu Dhabi, Agoosto 3, 2017 – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca tobaneeyo qof oo aan waxba galabsan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bayaan ay soo saartay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Imaaraadku uu si weyn u cambaareynayo falalkan dambiyada ah, iyo diidmada joogtada ah ee dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee ujeeddadoodu tahay khalkhalgelinta amniga iyo xasilloonida oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah.


Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay doladda Soomaaliya iyo shacabka

Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, iyo eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay fal-dambiyeedkaas foosha xun, waxayna u rajeysay dhammaan kuwa ku dhaawacmay in uu caafimaad degdeg ah siiyo.

Post a Comment

0 Comments